Kurdiyiinta Suuriya oo ku goodiyay in ay ooda ka qaaadayaan maxaabiista Daacish .

0

Kurdiyiinta uu weararka ku hayo Turkiga ayaa sheegay in maxaabiista Daacish aysan muhiim gaar ah siin doonin haddii uu Turkigu sii wado dagaalka uu ururka ku hayo.

Xoogagga Dimoqaradiyiinta Siiriya ee ay Kurdiyiintu hogaamiyaan ayaa gacanta ku haya xabsiyo ay ku xiranyihiin kumanaan maxaabiis ah oo laga qabtay Ururka Daacish. Meelaha y maxaabiistu ku ixranyihiin hadda waxaa ka socda duqayn adag oo ay geysanayaan Ciidanka Turkiga.

Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay sii deyn doonaan maxaabiista taasina ay abuuri doonto fursad ay kusoo noolaadaan Ururkii laga adkaaday ee Daacish.

Balse Dowladda Turkiga ayaa sheegeysa in ay diyaar u tahay in ay la wareegto masuuliyadda maxaabiista Daacish.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.