Shan ruux iyo in ka badan tiro Ari ah oo roob ku dilay G/Hiiraan

0

 

Inta la xaqiijiyay ilaa shan ruux ayaa ku geeriyootay halka in ka badan ilaa dhowr tiro oo Ari ahna ay baabe’een, kaddib markii roob daadad xooga leh wata uu ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan  ee bartamaha Soomaaliya.

Daadadkan oo kasoo  rogmaday buuraha ku teedsan magaalada  Beledweyne ayaa dadka ku geriyoodey waxaa ku jiray hooyo iyo caruurteeda.

Meelaha ay sida weyn saameynta ugu yeesheen daadadku, ayaa waxaa ka mid ah Tuulooyinka lagu magacaabo Goryaale iyo Farqayle oo labaduba hoos taga deeganka Farlibaax oo dhaca duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan

Roobabka dayrta ayaa ka curtay inta badan gobolda dalka, waxaana ay roobabkaasi  mararka qaar daadad ka dhasha ay saameeyaan nolosha dadka iyo duunyada, hayeeshee roobka deyrta ayey dadka iyo duunyaduba baahi weyn u qabeen maadaama la gaaray xiliyadii la heli jiray roobka deyrta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.