MW Farmaajo oo hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka labadiisa Aqal

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta furay  kalfadhiga 6-aad ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo munaasabadii lagu furayay lagu qabtay xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Halka ay munaasabada ka bilaabatay ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Ra’iisul wasaare Kheyre, guddoomiyaha gobolka, dad laga kala keenay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir iyo marti sharaf kale,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona furitaanka kal-fadhiga lixaad ee baarlamaanka labada Aqal.

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga ayaa waxaa hadaladii uu jeediyay ka mid ahaa, “Mudaneyaal iyo Marwooyin sharciyada aan saxiixay waxaa ka mid ah sharciga la dagaallanka Musuqa oo gundhig u ah aasaasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taaba gasha, shuruucda aan saxiixay iyo kuwa kale ee idin horyaalaba waxay muhiim u yihiin taaba-gelinta qarannimo Soomaaliyeed oo hana qaadda”.

Sidoo kale munaasabada waxaa goobjoog ka ah gudodomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo isagu maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay amniga xarunta golaha shacabka iyo goobaha ka agdhaw.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.