Kulan gaar ah oo la’iskugu yeeray Xilibaanada UK.

0

Baarlamaanka UK ayaa la’iskugu yeeray kulan gaar ah oo looga hadlayo mustaqbalka heshiiska ka bixitaan Midowga Yurub.

Kulanka Baarlamaanka ayaa dhici doono 19’ka bishan October kadib kulanka ay iskugu imaanayaan xubnaha Midowga Yurub.

UK iyo Midowga Yurub ayaa loo arkaa in ay haystaan fursadii ugu danbeesay oo ay ku gaari karaan heshiis ka hor inta aanan lagaarin waqtiga kama dambaysta ah oo ku beegan 31’ka bishan October.

Haddii heshiiskan la’isku raaco, Boris Johnson ayaa xubnaha Baarlamaanka waydiisan doono ansaxinta heshiiska. Haddii ay xilibaanadu diidaan’na waxa ay noqon doontaa in loo baahdo waqti kale oo dheeraad ah.

Waxyaabaha kulankan gaarka ah ay kaga wada hadli doonaan xilibaanada ayaana lasheegay in ay qayb ka tahay suurta galnimada in laga baxo Midowga Yurub iyadoona lagaarin wax heshiis ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.