Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyay in la dhiso golaha adeega garsoorka

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu furayay kalfadhiga 6-aad ee labada Aqal ee baarlamaanda federaalka Soomaaliya ayaa madaxda sare ee dalka kula taliyay in ay xaliyaan khilaafka kala dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xukuumadda federaalka ka dalbaday in ay ku dadaasho sidii ay u soo dhisi lahayd golaha adeegga garsoorka oo xilligaan baahi weyn loo qabo, maadaama sida uu sheegay dalku khilaaf ka bixi la’yahay.

Khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada kala ah Jubbaland iyo Puntland ayuu sheegay in ay waajib tahay in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu dhameeyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.