Dowladda Masar oo ka hortagaysa dibad baxyo kale oo dalkaasi ka dhaca.

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Masar ayaa sheegay  in dowladiisu aysan marna ogolaan doonin in ay sii baahaan dibad baxyada xoogan ee looga soo hor jeedo madaxwaynaha dalkaasi ee Abdel Fattah el-Sisi.

Dibad baxyaasha Masar aya lasheegay in uu dhiira galiyay ganacsade lagu magacaabo Mohamed Ali oo horay dalkasi looga musaafuriyay.

Mr Ali oo ku nool dalka Spain ayaa madaxwayne Sisi iyo militariga Masar ku eedeeyay falal musuq maasuq.

Horjoogayaasha dibad baxyaasha oo si wayn loo xakameeyay ayaana sheegay in ay dalbanayaan in uu xilka dago madaxwaynaha dalkaasi ee Abdel Fattah el-Sisi.

Warka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouli ayaana noqonaya jawaab celintii ugu horeesay oo ay dowladdu ka bixiso dibad baxyada dalka Masar.

Ciidamada Masaarida ayaana lasheegay in ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 3,000 oo ruux kuwaas oo sadaxdii todobaad ee lasoo dhaafay ka qayb qaadanayay dibad baxyada.

Dadka laxiray ayaana lasheegay in ay qayb ka yihiin waxaa qayb ka ah dad can ah oo ay kamid yihiin aqoonyaano iyo qareeno caan ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.