Askar ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo qarax lagu dilay

0

Askar ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa xalay lagu qarxiyay inta u dhaxaysa deeganka Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha xilli ay kasoo laabteen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeeladda Hoose.

Ugu yaraan Afar Askari ayaa dhimatay tiro kale oo aan la shaacina waa ay ku dhawacmeen qaraxa oo ahaa miinadda dhulka islamarkaana uu dul maray gaari ay ciidanku saarnaayeen.

Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidanku ay kasoo laabteen howlgal ay kasamaynayeen deegaano ka tirsan Shabeelada hoose islamarkaan ay usoo socdeen magaaladda Muqdisho.

Taliska Booliiska Soomaaliya weli si rasmi ah ugama uusan hadlin qaraxa ciidanka lala beegsaday, mana jirto cid weli sheegatay masuuliyadda qaraxa, balse Al-shabaab ayaa miinooyin ku aasa wadooyinka si ay u bartilmaameedsadaan ciidanka Dowladda iyo shacabka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.