Somaliland oo xabsiga dhigtay Agaasimihii TV-ga Universal

0

Ciidanka booliska Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay Agaasimahii Tv-ga Universal ee Somaliland Maxamed Caabi Digaale.

Agaasimaha ayaa ciidamadu waxa ay kala baxeen xarunta TV-ga uu ku leeyahay magaalada Hargeysa ee xarunta xukuumadda Somaliland.

Ilaa hada lama oga sababta ka dambeysa xariga ay booliiska Somaliland u geysteen Agaasime Maxamed Digaale.

Hayeeshee waxaa jiray culeysyo warbaahinta mudooyinkii dambe ka soo wajahayay xukuumadda Somaliland, waxaana xusid mudan in deegaanada Somaliland uu dhawaan ka dhaqan galay amar ay warbaahinta madaxa banaan ku soo xukuumaddu, kaas oo ahaa in wararka koonfurta Soomaaliya ay tabiyaan markii ay ka dhamaadaan wararka ka jira gudaha Somaaliland kaddib.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga Agaasimaha, wali wax war ah oo dhaafsan in la xiray agaasimahoodii qeybta Somaliland kama soo bixin maamulka iyo shaqaalaha Tv-ga Universal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.