Madaxweyne Trump oo ku hanjabay in uu bur-burinayo dhaqaalaha Turkiga

0

Madaxweynaha Maaykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu burburinayo dhaqaalaha Turkiga haddii Turkigu uu ka gudbo xayndaabka, hadalkaan ayuu sheegay markii uu go’aansaday in uu ciidanka Maraykanka ka saaro Waqooyi-bari Siiriya.

 

Qoraallo xiriir ah oo twitter-ka ku soo qoray ayaa Trump waxaa u ku difaacay talaabada wadada u fureysa in Turkigu uu guluf ku qaado Kurdiyiinta siiriya ee jooga deegaanadda xuduudda.

 

Ka bixitaanka ciidanka waxaa si adag  cambaareeyay xubno ka Tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ay xulifo yihiin Madaxweynaha. Kurdiyiinta Siiriya ayaa Maraykanka ka caawiyay in laga adkaado ururkii daacish ee dalka Siiriya.

 

Maraykanka waxaaa Siiriya ka jooga 1,000 askari, labaatameeyo ayaana laga saaray xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Siiriya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

 

Kurdiyiinta ayaa bixitaanka Ciidanka Maraykanka ku qeexay “dhabar ka toogasho”, waxaana dadka arrintaan diidan ay sheegayaan in fududeynneyso dib usoo labashadda Daacish islamarkaana ay khatar gelineyso xoogagga Kurdiyiinta.

 

Turkiga ayaa Isniintii sheegay in uu dhameeyay diyaar garowgii islamarkaana ay ciidanku dhaqaaqayaan xasilina dhulka xuduudda ah.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.