Duqa Muqdisho oo kulan balan qaad loogu sameeyay la yeeshay James Swan

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta kulan la qaatay Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxayna ka wada hadleen labada masuul arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga gobolka, taageerada QM ee maamulka gobolka iyo arimo kale.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha barakacayasha caasimadda.

James Swan ayaa dhankiisa u balan qaaday maamulka gobolka Banaadir in QM ay xoojinayso wadashaqaynta tooska ah ee ay la leeyihiin maamulka gobolka Banaadir, isagoo u balan qaaday duqa Muqdisho in taageero iyo garab istaag joogto ah ay u sameyn doonto Qaramada Midoobey, waxaana kulankaas guddoomiye Cumar Filish ku wehliyey xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.