Booliiska London oo xabsiga dhigay dad diidan isbadalka cimiladda

0

Reuters ayaa warisay in Ciidanka Booliiska ee magaaladda London ay xabsiga dhigeen 21 qof oo ka qayb gelilayay banaanbaxyo la qorsheeyay in ay socdaan muddo labo todobaad ah.

Banaanbaxyadda oo lagu diidanyahay wax ka qabasho la’aanta isbadalka cimiladda ayaa dadka abaabulaya waxay sheegeen in ay kasoo qayb gelayaan 10,000 oo qof kuwaas oo isugu imaan doona fagaaraha magaaladda London muddo labo isbuuc ah.

Dibad baxyadda nuucaan ah ayaa horay uga dhacay meelo kale oo caalamka ah oo ay ka midyihiin wadamadda Australia iyo Netherlands.

Buundo iyo wadooyin ku yaala degmadda Westminster ee London ayey xireen dibadbaxayaasha  oo isu yimid saacadihii hore ee saaka.

Koox wadatay sawirka gantaalka nuclear-ka ayaa xiray albaabka laga galo wasaaradda difaaca iyagoo  Dowladda ugu baaqayay in miisaaniyadda ay ku bixiso horumarinta maraakiinka nuclear-ka xambaara ee badda hoosmara ay u weeciso siyaasadda isbadalka cimiladda.

Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in ay  fowdo sameeyeen dadka la xiray islamarkaana sharciga lasoo taagayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.