Xisbiga Shariif Sheikh oo dacwad ka gudbiyay XFS

0

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in Maxkamadda sare ee dalka uu u gudbiyay dacwad ka dhan ah falkii is hor taaga ahaa ee lagula kacay madaxweynihii hore Shariif Sheikh oo ah hoggaamiyaha xisbigaas.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah golaha aqalka sare, xubina ka ah xisbiga Himilo Qaran oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ee uu maanta xisbigu qabtay  waxa uu sheegay in dacwaddaasi ay la xariirto xayiraadii dhowaan loo geystay Shariif Sheikh Axmed, isla markaana ka xisbi ahaan ay doonayaan in sharciga dalka lagu kala baxo.

Madaxweyne Shariif Sheikh ayaa dhawaan lagu celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan-Cadde, xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo si uu halkaas uga qeyb galo caleemo saarka Axmed Madoobe.

Tallaabadii la isku hortaagay Sheikh Shariif ayaa waxaa si isku mid ah u cambaareeyey inta badan hoggaanka xisbiyada siyaasadeed ee dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka lagu eedeeyay in ay ku tumanayaan sharuucda dalka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.