Maraykanka oo beeniyay in uu ku guul dareystay wadahadaladii Kuuriyadda Waqooyi.

0

Dowladda Maraykanka ayaa beenisay in Wadahadalkii Kuclear-ka ee Kuuriyadda Waqooyi uu la yeeshay ay guul dareysteen waxaana uu ku adkeystay in “dood wanaagsan” ay dhex martay.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa markii hore sheegtay sheegtay in wadahadaladii ay bur-bureen sababtoo ah Maraykanku ma uusan keenin wax laga wadaxaajoodao.

Wakiillo ka socdo labadda wadan ayaa ku kulmay Sweden si ay isfaiwaagooda meesha uga saaraan.

Kulanka Kuuriyadda Waqooyi iyo Maraykanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa maalmo ka dib markii ay xukuumadda Pyongyang tijaabisay gantaalo cusub.

Kulanku waxaa uu ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim J0ng Un ay bishii June isku arkeen xadka ay wadaagaan labadda Kuuriya.

Labadda hogaamiye midkoodna ma joogin shirka Sweden balse wadahadaladda aaasaasiga ah waxaa yeeshay Kim Myong Gil oo ka socday Kuuriyadda Waqooyi iyo Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka Stephen Biegun.

Waxaa ay ku kulmeen Jasiirad ku taala Waqooyi-bari ee magaaladda Stockholm oo lagu magacaabo Lidingo-halkaas oo ay ku taalo Saraadda Kuuriyadda Waqooyi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.