Khasaare ka dhashay colaad beeleed ka taagan degmada Kaxda

0

Wararka naga soo gaaraya degmada kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in degmadaas ay ka taagantahay colaad u dhaxeyda labo maleeshiyo beeleed, kuwaas oo dad iska dilay kuwo kalana iska dhaawacay.

Dad ku sugan degmada kaxda ayaa noo sheegay in beelahaasi ay isku hayaan dhul, ita la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray gacan ka hadala dhex maray dhinacyada isku haya dhul ku yaalla degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wax garad ku sugan degmada kaxda ayaa noo sheegay in khilaafka ku salaysan dhulka ee u dhaxeeya labadaas beelood uu mudo ka taagnaa degmada Kaxda, walina ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaas oo ku aadan beelaha isku haya dhul deegaansiga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.