Isbedal doonka Jubbaland oo madaxdii hore ee dalka ku eedeeyay in qorshe doorasho ay ka leeyihiin Jubbaland

0

Xubnaha is bedel doonka ee maamulka Jubbaland oo ay ugu horeeyaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa eedeyn u jeediyay siyaasiyiinta kala saftay madaxweyne Axmed Madoobe oo ay isku hayaan siyaasadda maamulka Jubbaland.

Kulanka oo ay iskugu yimaadeen xildhibaano, odayaal dhaqan, Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo iyagu mid walba uu sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa loogu duceynayay nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo horay u soo noqday guddoomiyaha garabka isbadal doonka Jubbaland, kaas oo todobaadkii tagay u geeriyooday dhaawac ay kooxo hubeysan ugu geysteen magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo warbaahinta kula hadlay kulankaas ayaa sheegay in xubnihiisa isbadel doonka ay Jubbaland u huri doonaan dhiigooda, isagoo ugu baaqay garabka Axmed Madoobe in ay ka waantoobaan sida uu sheegay dilka iyo caga jogleynta ay ku hayaan shacabka reer Jubbaland.

Sidoo kale Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ah xubnaha isku haya madaxtinimada maamulka Jubbaland ayaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in sanadka 2020/21 ay ka soo gaambeyn gareystaan deegaanada maamulka Jubbaland taasna aysan u dul qaada doonin.

Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar oo koox hubeysan bishii hore Sebtember ay dhaawac halis ah ugu geysteen magaalada Kismaayo ayaa dhaawacaas u geeriyooday todobaadkii na-dhaafay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.