Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirweynaha booliiska Afrika oo lagu qabtay dalka Al-jeria

0
Shirkii seddaxaad oo ay yeeshaan Booliiska Afrika ee loo yaqaano (Afripol) ayaa ka dhacay dalka Aljeeriya magaalo madaxdiisa Aljeris ,iyadoo shirkaasi ay qeyb ka tahay Soomaaliya, waxaana uga qeyb galaya S/guuto Axmed Cali Abuukar oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ajandaha shirkan Afripol waxaa uu ahaa sidii Boliiska Afrika ay iska kaashan lahaayeen la dagaalanka dembiyada Abaabulan, iyo la dagaalanka xagjirka, sidoo kale dhammaan dembiyada kale ee ka dhaca qaaradda Afrika. Shirkaasi ayaa waxaa ka qeybgashey saraakiil booliis oo ka kala socotay ilaa 33 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaas oo soo bandhigay aragtiyo kala duwan ee ku aadan habka ugu wanaagsan oo laamaha ammaanka Afrika ay u sameyn karaan iskaashi ballaaran. Gebagebada shirkaasi ayaa waxaa la isku raacay in Amniga qaarada Africa muhiimad gaar ah la iska saaro, lagana shaqeeyo iskaashiga iyo horumarinta ciidamada booliska ee qaarada Afrika. Shirkan wuxuu socdey mudo seddax maalin 02 October ilaa 04 October 2019, wuxuuna ku soo gaba gaboobey sidii la qorsheeyaba is afgarad, iyadoo Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah uu u lahaa, maadaama ay ka mid tahay wadamada qaaradda ee colaaduhu ragaadiyeen si ay uga kabtaana u baahan taageero heer qaarad ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.