Meeqa ayey dhantahay lacagta uu RW Kheyre ku bixiyay dhismaha buundada Baar-dheere?

0
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.
Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere oo muhiim u ah isusocodka degmadaas. Dowladda federaalka ayaa horay u ballan qaaday in ay bixinayso kharashaka lagu dhisayo buundadaa sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay maanta u suurta gashay in xukuumadiisu ay ka jawaabto cabasho uga soo laalaabatay shacabka reer Baardheere.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.