Trump oo soo jeediyay in la toogan karo muhaajiriinta ka soo gudbaya xad koonfureed ee Mareykanka.

0

Madaxwaynaha dalka Mareyknaka Donald Trump ayaa soo jeediyay in muhaajiriinta soo gaarayo dalkaasi lugaha laga toogan karo sida laga soo xiganayo buuk cusub oo uu qoray madaxwayne Trump.

 

Buugan oo lagu daabacay wargayska New York Times,  ayaa Mr Trump waxa uu ku sheegayaa in hababka lagu joojin karo muhaajiriinta kasoo gudbaya xadka koonfureed ay qayb ka tahay in luga laga toogan karo.

 

Qorshayaasha uu Trump soo jeediyay ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa in ladhiso darbi koronto, ama in xadka laga sameeyo god ay ka buuxaan abeesooyin iyo yaxaasyo.

 

Qorshaha dhisida darbiga ayaa ah mid kamid ah siyaasadaha ugu waawayn ee Trump.

 

Pentagon’ka Mareykanka ayaa dhisida darbiga xadka Mexico u qorsheeyay lacag gaaraysa $3.6 bilyan oo laga jarayo qaraashaadka militariga.

 

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaana wali war kasoo saarin warbixindan cusub ee sheegaya in madaxwaynaha Mareykanka uu soo jeediyay in lugaha laga toogan karo muhaajiriinta kasoo gudbaya xadka koonfureed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.