Wasiirka arimaha gudaha, Sheikh Shaakir iyo sarakiisha AMISOM oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb, Sawirro:-

0

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sebriye, Taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka, Taliyaha ciidanka AMISOM qeybta gobolka Hiiraan iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay sidii loo xoreyn lahaa deegaannada dagaalamayaasha ay Al-Shabaab kaga suganyihiin gobolada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ee la isku yiraahdo bartamaha Soomaaliya.

Madaxa xukumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan  ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka AMISOM ee ka yimid gobolka Hiiraan kuna sugan magaalada Dhuusamareeb waxa uu uga mahad celiyay sida ay ugala shaqeeynayaan nabadda galiyada deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Dhankooda saraakiishii ka qeyb gashay kulankaas ee AMISOM ayaa madaxa xukuumadda iyo guud ahaan dad reer Galmudug waxa ay ku amaneen sida ay iskaga xoreeyeen Al-Shabaab xilligii uu shaqeynayay maamulkii Ahlu-Sunna.

1
1
2
2
3
3
55
55
66
66
77
77

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.