Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka booliska

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.