Afar xisbi siyaasadeed oo Muqdisho uga dhaawaaqay is baheysi cusub.

0

Kadib kulamo siyaasadeed oo maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka wadeen qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka diiwaan gashay, ayaa waxaa galabta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay madal cusub oo ay ku mideysanyihiin ilaa afar xisbi siyaasadeed.

Xisbiyada kala ah UPD, Himilo Qaran, Wadajir, Ilays, oo ay kala hoggaamiyaan Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa ku dhawaaqay is baheysi cusub.

Xildhibaan Cabdifitaax  Ismaaciil Daahir oo warbaahinta u akhriyey warkii ay soo saareen hoggaanka xisbiyadaas ayaa sheegay in Afhayeen ku meel gaar ah ay u magacaabeen xildhibaan hore Cabdi-Ladiif Muuse Nuur oo ku magac dheer (Sanyare).

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.