Dowladda Suuriya oo dalabatay in ay dalkeeda deg-deg uga baxaan Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Turkiga.

0

Dowlada Siiriya ayaa dalbatay in ay dalkeeda deg-deg uga baxaan Ciidanka shisheeye hadii ay ka bixi waayaana ay xaq u leedahay in ay talaabo ka qaado ciidankaasi.

“Mareykanka iyo Turkigu Sharci darro ayey ku joogaan woqooyiga Suuriya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Siiriya Waliid Al-Mucalim oo khudbad ka jeeedinayay Golaha loo dhanyahay ee Qaramadda midoobay.

“Ciidanka Shisheeye ee dalkeena jooga inaga oo aan u ogoleyn waaa ciidan dalkeena qabsaday waana in ay deg-deg uga baxaan” ayuu Wasiir Waliid hadalkiisa raaciyay.

Dalka Siiriya oo dagaalkiisa sokeeye uu socda muddo sideed sano ah waxaa ku sugan military iyo maleeshiyaad shisheeye oo awoodda ku loolamaya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.