Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

0

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho  ayaa maanta  booqasho  ku tagay safaarada Dowlada  Mareykanka ay ku leedahay Soomaaliya, isaga oo halkaas kula soo kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya u fadhiya Mr Donald Yomamoto.

Labada masuul ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta Safaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo kan maamulka  gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinacyada amniga caasimada,shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed,taageerada mashaariicda horumarineed iyo arrimo kale oo khuseeya horumarka Caasimada Muqdisho.

Mr Yomamoto ayaa dhankiis balan qaaday in uu si wanaagsan ula shaqayn doono Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed isla markaasina uu kufaraxsan yahay kulankodii maanta ,ee uu ku soo booqday xarunta safaaraddu ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.