Heshiiska ku saabsan Raashiinka iyo Shidaalka ciidamada Dowladda oo lagu kala saxiixay Muqdisho

0

Munaasabad lagu kala saxiixanayay hesiis ku aadan Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Siada ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgaleen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amardambe) iyo wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale,ayaa shirkado qaabilsan Qandaraasyada la saxiixday heshiiska Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida,kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadda heshiiskaasi lagu kala saxiixanayay goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa heshiiskani ku tilmaamay mid horseedi kara kalsooni dhexmarta bulshada iyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa uu soo maray Habraaca iibka Qaran ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,iyadoo tartan ay u soo galeen qaar kamid ah shirkadaha Qandaraaslayaasha ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.