RW Kheyre oo kormeeray dhaawacyada Ciidamo ku jira Isbitaalka xoogga

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay isbitaalka Xoogga ku booqday askar dhowaan ku soo dhaawacantay howlgallada kasocda goballada dalka.

Askarta ayaa la sheegay inay dhaawacmeen iyaga oo ku jira furiimaha dagaalka ee dalka kuwaa oo weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen dagaalamayaasha Al Shaabaab.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la tilmaamay in mid mid ah uu ubooqday ciidamada weerarka kusoo dhaawacmay ee goballada dalka laga keenay isaga oo u ballan qaaday sida la sheegay in dowladda ay ka warheyn doonto xaaladdooda caafimaad islamarkaana dalka debeddiisa loo qaadi doono kuwoodii liita ee aan waxba looga qaban Karin gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dedaallo wax looga qabanayo weerarrada iyo qaraxyada ay geystaan Al Shabaab iyaga oona sheega in mar waliba ay qaadi doonaan guluf colaadeed ee ka dhan ah al shabaab.

Shalay ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageera Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamkaa, kaasi oo looga hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada Al Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka labadii sano ee laso dhaafay iyada oo la ogyahay tirada iyo tayada ciidanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.