Wasiir Oomaar: “Magaalada Kismaayo kama jiro maamul la aqoonsan yahay oo lagu aamino hawada”

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in uusan jirin maamul lagu aamini karo hawada Kismaayo sidaa awgeedna ay dowladu u saartay xayiraada.

Maxamed Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo waraysi siiyay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in joojinta Duulimaaaydii tooska ahaa ee Kismaayo ay salka ku hayso in aysan jirin cid ay si buuxda ugu haleyn karaan duulimaadyada Kismaayo sidaas darteedna ay buuxinayaan kaalintaas banaan.

“Hawada Kismaayo ma xirno laakiin waxyaabaha soo galaya iyo wixii ka baxaya ayaan u hakinay duulimaadyada.”ayuu yiri Wasiir Maxamed Salaad Oomaar oo u waramayay laanta afka soomaaliga ah ee VOA.

Wasiirka Gaadiidka Oomaar ayaa ku tilmaamay xayiraada saran garoonka diyaaradaha Kismaayo inay tahay mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.

Wasiir Oomaar ayaa beeniyay in qorshaha ka dambeeya ee ah in diyaaradaha ay Muqdisho soo maraan ay tahay in siyaasiyiinta Maamulka Jubba lagu qabto Muqdisho lana xiro.

“Ma jiro qof dambi aan ka gelin dalka aan lagu qabsan doonin garoonka Muqdisho.”ayuu sii raaciyay warkiisa Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Salaad Oomaar.’

Hase yeeshee diyaarad uu saarnaa wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha isagoo illaa iyo hadda u xiran Dowlada Federalka lana soo taagin wax maxkamad ah.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.