Qarax saakay ka dhacay xarunta Villa Baydhaba

0

Qarax gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan xoogga dalka ayaa saakay ka dhacay gudaha xarunta Villa Baydhaba ee degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Saraakiil ku sugan xaruntaas ayaa sheegay in gaariga qarxay uu lahaa sarkaal ka tirsan militariga Soomaaliya, isla markaana ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen askar ka ag dhaweed gaariga oo yaalay gudaha xarunta, sarkaalkiina uu badbaaday.

sirasmi ah looma xaqiijui karo khasaaraha ka dhashay qaraxa saakay ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, walina majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.