Dibad baxyo xoogan oo ka dhacay Pakistan.

0

Dibad baxyaal careesan ayaa iskugu soo baxay degmada Kasur kadib markii halkaasi laga helay meedadka sadax wiil.

Booliska yaa cadeeyay in mid kamid sadaxda wiil ee dhalinyarada ah loo gaystay kufsi kahor inta aanan ladilin.

Degmada Kasur oo katirsan gobolka Punjab ayaa can ku ahaa sanadihii lasoo dhaafay afduubka, kufsiga, iyo dilalka .

Sanadkii 2018’kii ayaa waxaa sidoo kale waxaa caro xoogan dhaliyay kadib markii dil loo gaystay gabar lix sano jir ah.

Sidoo kale waxaa ladal dalayay nin lagu eedeeyay in kufsi iyo dil uu iskugu daray gabar lagu magacaabo Zainab, isagoona lagu eedeeyay in dambiyo nuucaani oo kala ah uu kula kacay inkbadan lix gabdhood.

Maydadka sadaxda wiil ee haatan uu ka dhasahay dibad baxa xoogan ayaa lasheegay in dhamaantood ay da’doodu ka yartahay 10 sano jir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.