Somaliland oo ka laabatay heshiiskii saldhigga Militari ee Berbera.

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay ka laabteen heshiiskii dowladda isutaga Imaaraadka Carabta u ogalaanayay in saldhig Militari ay ka samaystaan deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada xeebta ku taalla ee Berbera.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taas bedelkeed uu jiro qorshe lagu dhisayo garoonka diyaaradaha magaaladaas oo sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi noqonaya midka ugu weyn qaaradda Afrika.

Mashruuca lagu dhisayo garoonka ayuu sheegay madaxweyne Muuse Biixi in uu bilaabanayo todobaadkaan guduhiisa, isla markaana garoonka uu ku yaallo meel aad u muhiim ah oo saaran Badda-Cas, dheerarkiisuna uu gaarayo 5-KM.

Halkaan ka dhageyso Codkiisa:-

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.