Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Koonfur Afrika

0

Dagaal kooban oo maanta magaalada Pretoria ku dhexmaray koox burcad ah iyo booliska dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay waxyello kasoo gaartay muwaadin Soomaaliyed.

Wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdinasir Dhamac ayaa ku dhawacmay rasaastii ay is weydaarsanayeen booliska iyo kooxda burcadda ah.

Cabdinaasir oo uu soo gaaray dhaawac halis ah ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale booliska dalkaas ayaa toogasho ku dilay labo ka mid ah kooxihii burcadka ahaa, iyagoo dhaawac ku qabtay mid kale, waxaana la sheegay in boolisku uu weerar ku qaaday xilli kooxdaas burcada ah ay boob u gaysanayeen dadka ajaanibta ah ee ku nool mid ka mid ah xaafadaha magaalada Pretoria.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.