Guddoomiye Cumar Filish mar kale ka hadlay wadooyinka xiran ee Muqdisho

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta marka kale ku celiyay balan qaadkiisii ahaa in maamulkiisu furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo sidii shacabka loogu furi lahaa jidadka magaalada Muqdisho, kuwooda dhagaxda lagu jaray.

Maadaama hadda ay wadooyinkaas u xiranyihiin sababo amaan, ayuu sheegay guddoomiyuhu in ka maamul ahaan aysan ka baqdin qabin in ay dhacaan qaraxyo iyo wax lamid ah oo aysan shacabka Muqdisho ogolaa doonin cidii dhibaato ku wada.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in uu kalsooni ku qabo wada shaqeynta shacabka Muqdisho iyo maamulka gobolka Banaadir.

Dabayaaqadii todobaadkii nadhaafay ayay eheed markii guddoomiye Cumar Filish uu magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood oo kasoo tala bixiya sida ugu fudud ee loo furi karo wadooyinka xiran ee Muqdisho, guddigaas oo uu guddoomiye uga dhigay ku xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullahi Tuulax.

Halkaan ka dhageyso codka G/Cumar Filish:-  

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.