Duufaan hor leh oo ku dhufatay Jasiiradaha Baxamaas.

0

Duufaan cusub ayaa khatar gelineeysa dalka jasiiradaha ah ee Baxamaas laba todobaad ka dib markii ay duufaantii Dorian bur-burisay qaayb Jasiiradaaha ka mid ah.

Duufaanta oo la filayo in heerkeedu is bedalo laba maalmood gudahood ayaa roob awood leh iyo dabaylo ku qaabishay Jasiiradahan oo weli la daalaa dhacaya dhaawacii hore.

Ku dhawaad 1,300 oo qof ayaa ku maqan duufaantii Dorian halka ay 15,000 oo qof u baahanyihiin gabbaad, raashin iyo daryeel caafimaad.

Saraakiishu waxay ka digeen in daadad hor leh oo ay duufaantu sababto ay hakad gelin karaan dadaalladda gurmadka iyo gargaarka.

Jasiiradahaan ayaa la filayaaa in uu ku da’o roob dhan 10cm, dabayluhuna waxay ku socdaan 45 km saacadiiba.

Carl Smith oo ah madaxa hey’adda maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in duufaantaan ay hoos u dhigi karto dadaalladii lagu baadi goobayay dadka maqan isla markaan la doonayay in gargaar loogu geeyo Jasiiradaha Grand Baxama iyo Abaco oo ah meelaha igu daran ee ay saameynta ku reebtay duufaantii Dorian.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.