Xoogga dalka oo dilay xubno Shabaab ka tirsanaa.

0

HornAfrik-Wararka nagasoo gaaraya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Howl-gallo ay Ciidamada  Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybtooda guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose ay ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmadaasi.

Qaar ka tirsan Saraakiisha  hogaaminayay hawlgalka, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ku dileen hawlhalka ilaa toban xubnood oo katirsan dagaalamayaasha Al Shabaab,waxa ay intaa ku dareen in ay sidoo kale hawgalkaasi kula soo wareegeen hub iyo saanad milateri.

Al Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhinacooda,kaasi oo ka madax banaan kan ay sheegeen Saraakiisha Dawladda Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.