Zimbabwe oo 3-1 kaga adkaatay Soomaaliya cayaar ka dhacday dalkaas

0

Xulka kubadda cagta Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, cayaar ka tirsaneyd wareegga koowaad ee is-reeb reebka loogu soo baxayo koobka adduunka ee 2022-ka ka dhacaya dalka Qatar.

Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee cayaarta ku hormartay hoggaanka, hayeeshee Soomaaliya ayaa barbareejaysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey cayaartooyga Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Cumar Maxamed.

Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay cayaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay usoo gudubto waxayna u ekayd wax aad u adag in Zimbabwe ay labo gool la timaado daqiiqadaha yar ee cayaarta ka harsanaa.

Cayaartooyda Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee cayaarta, waxeyna sidaas uga adkaadeen Cayaartooyda Soomaaliya 3-1.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.