Xabad joojintii gobolka Idlib oo bur-burtay.

0

 

Diyaarado dagaal ayaa duqaymo ka gaystay waqooyi galbeed dalka Suuriya, iyadoona weerarkani noqonaya kii ugu horeeyay oo halkaasi ka dhaca tan iyo markii gobolka looga dhawaaqay xabad joojin 10 maalin ka hor.

Dowladda Suuriya iyo Isbahaysigeeda Ruushka ayaa 31’dii August heshiis xabad joojin ah saxiixay taas oo ka hirgaleesa gobolka Idlib oo ay mucaaradku maamulaan.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee dhacay daba yaaqadii bishii hore ayaa dowladda Suuriya waxa ay ka sheegatay guulo kadib markii ay sheegeen in mucaaradka ay kala wareegeen deegaano ay dhawr sano ka ariminayeen.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weeraro dhanka cirka ah ay ka fuliyeen gobolka Idlib kuwaas oo ay ku beegsanayeen koox xiriir laleh urur waynaha al-Qaacida.

Koox udooda xuquuqda aadanaha fadhigeedana yahay Britain ayaa sheegaysa in diyaaraduhu ay bartil maamaydsadeen labo goobood oo muhiim ah oo ku yaala buuraha Jabal al-Akrad oo u dhaw galbeedka xeebta Latakia.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.