Cayaar u dhaxeysa Xulalka qaramada Soomaaliya &Zimbabwe oo galabta ka dhacaysa dalka Zimbabwe

0

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhiggiisa dalka Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022-ka wadamada qaaradda Afrika, ee marxaladda koowaad, kuwaas oo haray 1-0 kusoo adkaaday kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay dalka Djabouti.

Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul ka gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.

Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022-ka ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa cayaartooyda Soomaalida.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.