Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Xudur.

0

Wafdi uu hoggaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa goordhow gaaray degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Kheyre oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaas, waxaana uga sii horeeyay  Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo isagu saakay gaaray magaalada Xudur.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in uu galabta garoonka kubada cagta Dr. Waaberi ee magaalada Xudur uu kula hadlo dadweyne aad u badan oo iskaga kala yimid dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Xudur.

Goobta loogu talagalay inuu galabta Ra’iisul Wasaaruhu tago ayaa waxaa soo xaadiray inta badan bulshada magaalada Xudur, waxaana aad loo adkeeyay  ammaanka guud ee degmada Xudur, iyadoo ay halkaasi ku suganyihiin ciidamada ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.