Madaxweyne Waare oo ku dhawaaqay howlgal wado furis ah

0

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xerada Ciidamada AMISOM qeybtooda Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad ay iskugu yimaadeen saraakiisha ciidamada Itoobiya Madaxweynaha, xubno ka kala tirsan golayaasha Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Waare oo ka hadlay koobta uu kulanku ka dhacay  ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimadda ay u leedahay Hir-Shabeelle in la isku furo wadooyinka kala xiran ee ay go’doomiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana carabka uu ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan holwgallo la isugu furayo wadooyinka u xiran Al-Shabaab.

Ugu dambeynta Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle ayaa bogaadiyey saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka oo uu sheegay in ay guteen masuuliyadii loo igmaday, isagoo gudoonsiiyay shahaado sharaf , qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.