Madaxweyne Lafta gareen oo gaaray Degmada Xudur

0

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen  ayaa  Maanta waxaa ay gaareen Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Madaxweynaha  ayaa hor dhac u ah Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre oo la filaayo in magaladaasi  ay garaan saacadaha soo socda ee maanta.

Ammaanka degmada Xudur ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxda Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shalay ayaa degmada Xudur waxaa gaaray wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.