Hawlihii Baarlamaanka UK oo mudo shan todobaad ah lahakiyay.

0

Baarlamaanka dalka Britain aya lahakiyay mudo shan todobaad ah, iyagoona dib usoo laaban doonin tan iyo 14’ka bisha October ee soo aadan.

Markii lagu dhawaaqay in Baarlamaanku uu xiran yahay ayaa qaar kamid ah xilibaanada oo arintan ku tilmaamay calaamado aamusin ah ayaa ku dhawaaqayay “Ceeb ayay kugu tahay”

Xiritaanka Baarlamaanka ayaa ku soo beegmay iyadoo Ra’iisul Wasaare Boris Johnson markale uu ku guul dareestay in xilibaanadu uu ka ansixiyo doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay.

Xubnaha guud ee u codeeyay mooshinka Johnson ayaa ah 293 ruux, taas oo ka yar tiradii looga baahnaa ee ahayd sadax meelood labo meel codadka baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK ayaa ku adkeesanaya in 31’da bisha October uu ka baxo Midowga Yurub isagoona sheegaya in dhimasho uu ka xigo in Midowga uu waydiisto waqti dheeraad ah.

Balse xisbiyada mucaaradka ayaa sheegaya in ay u midoobeen sidii ay xukuumada kaga hor istaagi lahaayeen in Midowga Yurub laga baxo iyadoona lagaarin wax heshiis ah.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.