Madaxweyne Waare oo ka hadlay Mashaariicda ay ka hergeliyeen Hiiraan

0

Madaxweynaha  maamulka Hiirshabbele Maxamed Cabdi Waare  iyo wasiirka wasaarada waxbaarshada xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare   ayaa  magalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiran ka dhagax dhigay  sadax iskull oo mid kamid ah uu yahay mid lagu tababaraayo macalimiinta  ka howlgasha maamulada dariska ah ee Hiirshabele iyo Galmudug.

Halka labada kale ay yihiin iskullo ay wax ku baranayaan ardyda ka howlgasha deeganada maamaulkaa  oo iskugu jira dugsi dhexe iyo sere oo  si lacag la.aan ah wax ugu baranayaan ardaya ku nool  deeganadaa  hoosyimada baladweyne.

Dhagaxdhigista dugsiyadaan ayaa waxa goobjoog ka ahaa xildhibaano katirsan  labada aqal eee baarlamanka  Soomaaliya  masuuliyinta gobolka hiiraan iyo masuuliyin kale.

Wasiirka wasarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare  ayaa sheegay in magaalada baladweyne ay nasiib u heshay in laga dhagaxdhigo macad wax lagu baro macalimiinta ka howlgashada maamulada Galmudug iyo hirshabeele deeganada ay ka koobanyihiin

Madaxweynaha maamulka hiirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay muhiimada iskuuladani oo laba ka mid ah ay yihiin dugsi hoose dhexe iyo Sare, midna uu yahay dugsi lagu tababarayo, waxaana mashaariicdani ay yihiin kuwa muhiimad gaar ah u leh bulshada Hirshabelle,

Dhinaca kale Madaxweyne Waare Ayaa Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka  Cabdullaahi Goodax bare ku Wareejiyay jaamacadda Hiiraan University ee Beledweyne si ay u noqoto Jaamacadda Umadd Soomaaliyeed qeybteeda Hiiraan, waxaana talaabadani ay tahay muhiim u ah Ardayda Ku dhaqan Guud ahaan Hirshabelle.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.