Kheyre oo balan qaaday siidaynta Mukhtaar Roobow iyo magta dadkii lagu dilay Baydhabo

0

Sida la xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka beesha uu ka soo jeedo Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo dowladda ay sanadkii hare kasoo xirtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Kheyre iyo odayaahsa ayaa kawada hadlay sida la tilmaamay 15-kii qof ee lagu dilay Baydhabo sanad ka hor, markii ay socotay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo hadda la sheegay in ay dowladdu magdhow ka bixineyso.

Inta uu socday kulankaas ayaa lagu soo hadal qaaday xarigga loo geystay wadaadka dowladda u xiran ee Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, waxeyna odayaashu ka dalbadeen Ra’iisul Wasaare Kheyre in xoriyadiisa la siiyo dowladduna ay ka garaabto xarigiisa.

Waxaana la sheegay in odayaasha iyo Ra’iisul Wasaare kheyre ay isku af-garten, in lasii day doono Sheikh Mukhtaar, iyadoo uu Ra’iisul Wasaare balan qaaday in dowladdu ay bixin doonto magta dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo dabayaaqadii sanadkii tagay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.