Dil maanta ka dhacay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud.

0

Ruux shacab ah ayaa maanta lagu dilay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud, waxuuna dilkaas ka dhacay xaafadda Tuulo-Gaban ee magaaladaas.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu horay u daganaa jiray degmada Gurceel si weyna looga yaqaanay, waxuuna deegaan ahaan kasoo jeeday degmada Balambal ee isla gobolka Galgaduud.

Dilka ayaa waxaa gaystay koox hubeysan, kuwaas durba iskaga baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana la sheegay in dilkaas uu salka ku hayo aano qabiil.

Ciidamada amaanka degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay waxyna halkaas ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo kooxdii ka dambeysay dilka ruuxaas, walina ma jirto cid loo soo qabtay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.