Madaxweyne Farmaajo oo shir caalami ah uga qeyb galaya Mareykanka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkaan lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey, kadib markii uu iska celliyey dhalashadii labaad ee dalka Maraykanka.

Jamaal Maxamed Xasan wasiirka qorshaynta xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey shir ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaxweynuhu ka qaybgeli doono shirka ka dhacaya magaalada New York ee carriga Maraykanka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkii u dhexeeyey xukuumadda Soomaaliya iyo beesha caalamka kana qabsoomay magaalada Baydhabo loogu diyaar garoobayo shir lafilayo inay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan horay uga qaybgelin shirarka Qaramada Midoobey sababo la xiriira haysashada dhalashada dalka Maraykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.