Dab geystay khasaare naf iyo maalba leh oo ka kacay Kaam ku yaalla Garowe

0

 

Hal ruux oo ahaa ilmo Seddax sano jir ah ayaa ku geeriyoodey khasaare hantiyeed oo kalena waa ka dhashay dab ka kacay Kaam kuyaal magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dabkaas oo ahaay mid ka dhashay guri ayaa waxaa fududeeyay inuu sii faafo dabeylo xoogan oo xiliyadaanoo kale ka socda deegaanada Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya.

Muddo kaddib waxaa la sheegay in dabkaa damintiisa uu ku guuleystay gaadiidka dab-damiska dowladda hoose ee magaalada Garowe.

Xarunta uu dabku ka kacay oo meel gees ah kaga taala magaalada ayaa waxaa lagu magacaabaa Kaamka barakacyaasha Yemeniyiinta, waxaana degan dad danyar ah oo u badan kuwo kasoo qaxay dalka ay colaaduhu halakeeyeen ee Yemen, kuwaas oo iskugu jira muwaadiniin Soomaaliyeed iyo qooysas kasoo jeeda dalka Yemen oo iyagu kasoo qaxay colaada ka jirta dalkooda.  

Mid ka mid ah dadka degan Kaamka oo warbaahinta uga war bixiyay sida uu dabku ku bilaawday iyo sida loogu guuleystay damintiisa, ayaa sheegay in dabku burburiyay guryo iyo dukaamo ay la haayeen dadkaas danyarta ah isagoo dalbaday in lala soo gaaro gurmad degdega.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.