Duqeymo culus oo lala beegsaday saldhigyo Shabaab.

0

Galwareed-Jowhar-Wararka ka imaanaya Gobalka Jubada dhexe ayaa waxay shegayaan in xalay deegaano ka tirsan gobalkaasi ay ka dhaceen duqeymo diyaaradeed oo xoogan.

Duqeymaha ayaa dadka deegaanka ku waramayaan in ay ka dhaceen magaalooyinka Saakow, Jilib iyo salagle waxaana lagu beegsaday saldhigyo ay goobahaasi ku lahaayeen AL-shabaab.

Ilo sirdoon ah ayaa ku waramay in Al-shabaab duqeymahasi looga dilay saraakiil sare iyo dagaalamayaal.

Xiriir aan la sameynay dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada duqeynta ka dhacday ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen daryanka gantaalada balse aysan xaqiijin Karin qasaaraha gaaray sadhigyada Shabaab.

Si rasmi ah looma oga duqeymahan diyaaradaha fuliyay dowladda laga leeyahay , balse inta badan duqeymaha ka dhaca Soomaaliya ee lagu beegsado Shabaab iyo Daacish waxaa fuliya diyaaradaha Mareykanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.