Deg deg Maxkamadda G/Banaadir oo xukuntay nin ajnabi ah.

0

HornAfrik– waxaa maanta maxkamadda gobalka Banaadir ay markii labaad u fariisatay dhageysiga dacwadda loo heystay nin ajnabi ah oo garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay.

Andrew Braian Irlam oo u dhashay UK ayay maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo gaaraya 7kun oo dollar kadib markii ay Maxkamaddu Ku heshay Qodobka 34-aad ee Xeerka Nabadgalyada guud.

Ninkaan la xukumay ayaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho bishii hore isagoo wata hub laguna soo eedeey qal qal gelin amni.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.