Mareykanka oo wafdi culus usoo diray Muqdisho lana kulmay R/W Kheyre + Sawirro

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.

David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran.

“Sii wadidda horumarka laga sameeyey dib-u-habaynta dhaqaalaha waxay awood u siin doontaa Soomaaliya inay sanadka kan xiga gasho barnaamijka dayn-cafinta – arrintaas oo ah mid ahmiyad sare u leh labadeenna dal. Waxaan ka wada hadalnay hawlgallada wadajirka ah ee socda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah, kuwaas oo ilaa hadda suurtagaliyay in Al-Shabaab laga xorreeyo magaalooyin muhiim ah oo koonfur ka xiga Muqdisho, waana hab loo adeegsano karo hawlgallada mustaqbalka ee laga hirgelin doono meelo kale oo dalka tirsan. Waxaan kaloo isku afgarannay muhiimadda ay leedahay dhisidda iyo joogtaynta ciidamo Soomaali oo awood leh kuwaas oo mas’uuliyadda amniga kala wareegi kara AMISOM”, ayuu yiri David Hale.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.