IGAD iyo AMISOM oo cadaadis saaray Axmed Madoobe.

0

HornAfrik-Magaalada Kismaayo ee xarun u ah Jubbaland waxaa tan iyo xalay ka socda shirar ks xig xiga oo xasaasi ah.

Waxaa shirarkan ay bilowdeen markii uu gaaray wakiilla IGAD ee Soomaaliya Maxamed Guyow iyo saaka oo uu tagay taliyaha guud ee ciidamda Amisom Ticabu Yilma.

Hooyga martida ee Magaalada Kisnaayo ayaa shir ay warbaahibtu dibad joog ka tahay xikigan waxuu uga socdaa Wakiilka urur gobaleedka IGAD , Taliyaha Amisom iyo Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa wararka lagu helayaa in cadaadis lagu saarayo Axmed Madoobe in doorashada maamulkaasi u dhacdo sida ay rabto dowladda federalka Soomaaliya.

In la raaco tilaamihi ay horey u soo saartay wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la faray madaxweynaha jubbaland oo xalay ka gaabsaday Wakiilka IGAD ,balse haatan shirka dib la isugu noqday.

Sidoo kale waxaa baaqday maanta liis laga sugayay odayaasha ay horey u soo saareen gudiga doorashada maamulkaasi laguna soo saari lahaa sadex da shaqsi ee mid looga soo xulayo xildhibaanimada Jubbaland.

Waxaa sababta baaqashada ay tahay culeys soo food saaray maamulka iyo gudiga , lana ogeyn ilaa waqtiga kale ee ay ku qaadaneyso.

Sidoo kale waxaa xogta lagu helayaa in ay musharaxiinta qaar iyo odayaasha dhaqanka qorsheynayaan in si gaar ah iyaguna u soo saaraan liis xildhibaano.

Waxaa la dhowrayaa  halka ay sal dhigan doonto  doorashada jubbaland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.