Keenista meydka Yariisow oo dib u dhac uu ku yimid

0

Waxaa dib u dhac ku yimid keenista magaalada Muqdisho meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah.

Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya iyadoo saaka oo idil la sugayay keenista meydka.

Guddiga Qabanqaabadda Aaska Marxuum Yariisoow waxay sheegeen in bari 8:00 Aroornimo la keeni doono Maydka Insha Allaah.

Sababta dib u dhigtay keenista meydka Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow kuma aysan dhawaaqin guddiga iyada oo ay soo baxayaan in ay jirto cillad dhinaca farsamada duullimaadka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa saaka inta badan la xiray,waxaana Ciidan badan la soo dhoobay Waddooyinka Muqdisho.

Yariisow ayaa waxaa uu Khamiistii u geeriyooday dhaawac 24kii Bishan ka soo gaaray Qarax ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof oo ka mid ahaa maamulka Gobolka Banaadir.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.